4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 29, 2021
Dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika oo heshiis ka gaaray hannaanka loo marayo dib u habaynta AMISOM
 

Arbaco, December, 29, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ay magaalada Muqdisho kula yeelatay guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

Shirkaan waxaa looga hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habeyn lagu sameeynayo. DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’dii hagi doono ka-qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka.

Dowladda Soomaaliya iyo guddiga Midowga Afrika waxay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Dowladdu waxay hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka Ku-Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo Qirshaga Kala-Guurka oo natiijadiisa ah in si buuxi lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023ka.

War Saxaafadeed Dowladda Federaalka Soomaaliya-Guddiga Midowga Afrika-AMISOM 29ka Diseembar 2021:-

Muqdisho, Soomaaliya Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Disembar 2021, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ay magaalada Muqdisho kula yeelatay guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ah Mne. Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga, Mne. Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyo Mne. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa kala hadlay Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxaa laga hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habeyn lagu sameeyay. DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’dii hagi doono ka-qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay nafta ay u hureen AMISOM iyo dalalka ciidammada  (TCC) ka joogo dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada amniga Soomaaliya si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online