4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 29, 2021
Qoyska Mukhtaar Roobow oo beeniyay warbixin NISA ay kasoo saartay xaaladda Roobow
 

Arbaco, December, 29, 2021 (HOL) - Qoyska Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa beeniyay war kasoo baxay hay’adda nabad sugida Soomaaliya ee NISA, oo lagu sheegay in Mukhtaar Roobow uu ku sugan yahay xaalad wanaagsan caafimaad ahaan,  ayna qoyskiisa kusoo booqdaan halka uu ku xiran yahay.

Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Mukhtaar Roobow ahna qofka ugu dhow ee ka warqaba xaalkiisa, ayaa sheegay in aragtida walaalkiis ay ugu war dambeysay bishii January ee sannadkii 2019, oo ahayd wax yar kadib markii lasoo xiray.

Ibraahim Roobow oo ku sugan Muqdisho, ayaa wareysi uu siiyay BBC Somali wuxuu ku sheegay in walaalkiis uu ku sugan yahay xaalad aad u adag, isagoo tusaale usoo qaatay wareysi dhawaan laga qaaday Roobow oo uu ku sheegayay in aan loo oggalayn in xabsiga lagu soo booqdo.

“Walaalkey inuu nool yahay saddex sano kadib ayaan ku ogaaday wareysigii ay bishii October la yeelatay VOA , waxaan kuu sheegi karaa dhammaan waxay sheegeen NISA, wax aan maqalnay ma ahan,” ayuu yiri Ibraahim Roobow.

Hay’adda NISA ayaa warbixin ay kasoo saartay xarriga Mukhtaar Roobow waxay ku sheegtay, inuu ku sugan yahay xaalad wanaagsan, sida in xaaskiisa iyo qoyska intiisa kale ay xabsiga kusoo booqdaan mar walba, inuu jaamacad dhigto, dhaqtar gaar ah leeyahay, iyo inuu haysto qalabka jimicsiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online