4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 29, 2021
Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay banaanbax looga soo horjeeday Farmaajo oo ciidanka Booliiska is hortaageen
 

Arbaco, December, 29, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay banaanbax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo looga soo horjeeday madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ciidamada Booliiska Soomaaliya is hortaageen.

Wasiirka ayaa sheegay iney soo gaartay cabasho la xariirta ciidanka Booliiska Soomaaliya oo dad shacab ah iyo masuuliyiin banaanbax dhigaayay kala eryay, waxuuna sheegay in arintaasi baaritaano lagu sameyn doono sida ay wax u dhaceen.

"Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab  ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed, waxaana lagu samayn doonaa baaritaan sida ay wax u dhaceen, waxaana shacabka iyo mas’uuliyiintaas u xaqiijinayaa in aan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay. Waxaan sidoo kale shacabka ugu baaqayaa in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada mana la aqbali karo wax rabshada ah" ayuu yiri wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Waxaa sidoo kale ka hadlay banaabaxa maanta ay is hortaageen ciidanka Booliiska Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku eedeeyay is hortaaga banaanbaxa maanta iney ka dambeeyeen taliye ku xigeenka ciidanka Boiiska Soomaaliya Kaniif, iyo taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir  Farxaan Qaroole.

"Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif. Raysalwasaaraha Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka horwareejiyaan haraadiga kaligii taliska" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dibadbaxa maanta la sheegay iney is hortaageen ciidanka Booliiska ayaa kusoo aadaya xili khilaaf midkii ugu darnaa abid uu ka dhex taagan yahay Farmaajo iyo Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online