4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 29, 2021
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo magacaabay wasiiro cusub

Arbaco, December, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo arbaco ah magacaabay Wasiirro, Wasiirru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsanaan doona  xukuumaddiisa.

Waa magacaabidii ugu horraysay oo heer ah wasiir ah oo madaxweyne Deni uu sameeyo tan iyo bishii may ee sannadkii hore.

Madaxweyne Dani ayaa xilalkaan uu magacaabay ku dhameystiray golahiisa wasiiradda oo qaar katirsan ay iska casileen xilalkoodii, halka qaar kalena ay u geeriyodeen cudurka Covid19 sannadkii hore 2020.

Magacaabidan ayaa kusoo aadaysa, xilli haatan xubno kamid ah golaha wasiiradda Puntland iyo maamulada gobolada ay kamid noqdeen aqalka sare, halka kuwa oo hor lehna ay yihiin musharraxiin u taagan aqalka hoose.

Halkaan hoose ka akhriso wasiiradda uu magacaabay Deni.

1. Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda goboleedka Puntland.

2. Waxaa Rashiid Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda goboleedka Puntland.

3. Waxaa Khadar Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Dowladda goboleedka Puntland.

4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda goboleedka Puntland.

5. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Axmed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Dowladda goboleedka Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online