4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 29, 2021
Dowladda Sweden oo madaxda Soomaalida ugu baaqday inay is-xakameeyaan oo ay xiisadaha ku dhameeyaan wada hadal
 

Arbaco, December, 29, 2021 (HOL) - Dowladda Sweden ayaa ugu baaqday madaxda Soomaalida inay is-xakameeyaan oo ay xiisadaha arrimaha doorashada ku dhameeyaan wada hadal iyo isu-tanaasul.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden, Matilda Ernkrans, ayaa qoraal ay barteeda twitterka kusoo qortay ku sheegtay in ay taageersan tahay in la isugu yimaado shirka golaha wadatashiga qaran si loo horumariyo hannaanka doorashada.

Waxay sheegtay in dowladda Sweden ay sii wadayso taageerada dadaalka raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ugu jiro si loo gaaro hannaan doorasho oo hufan.

Beesha caalamka ayaa u muuqata kuwa taageero isku mid ah u muujiyay raysal wasaare Rooble, iyagoo kasoo horjeestay shaqo ka joojintii uu madaxweyne Farmaajo ku sameeyay dhowr cishe ka hor, inkastoo uu shaqadiisa caadi u wato.

Dowladda Maraykanka ayaa horey ugu hanjabtay in ay tallaabo ka qaadayso kuwa carqalada ku ah wadada nabada Soomaaliya, iyadoo la aamisan yahay in farriintaas ay si toos ah ugu socotay madaxweyne Farmaajo.

Maraykanka wuxuu sheegay inuu taageersan yahay shirka golaha wadatashiga qaran ee uu raysal wasaaruhu garwadeenka ka yahay. wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loosoo gabagabeeyo arrimaha doorashada.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online