4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 29, 2021
Wafdi uu hoggaaminayo Cumar Cabdirashiid oo Boosaaso u aaday dhamaynta khilaafka Puntland iyo PSF

Arbaco, December, 29, 2021 (HOL) - Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland abwaan Cabdirashiid ayaa u safray Magaalada Boosaaso.

Wafdigaan ayaa magaalada Boosaaso u tagaya si ay qayb uga noqdaan dhamaystirka xal u helista Xiisaddii Colaadeed ee ka dhalatay xilka qaadis lagu sameeyey Agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu soo dhoweynayo xal kasta oo laga gaaro xiisada ka dhalatay arrinta PSF, wuxuuna sheegay in uusan raali ka ahaan doonin in mar dambe ay soo laabato colaadda Boosaaso.

Wafdiga ka baxay Garowe ayaa ku biiridoona dadaalada ay Isimada Puntland ka wadaan magaalada Bosaaso, waxayna sidoo kale kulamo la qaadan doonaan agaasimihii hore ee PSF.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online