4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 28, 2021
Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo dalbaday in Farmaajo si deg deg ah uga baxo Madaxtooyada Soomaaliya
 

Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray War saxafadeed ay kaga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka, islamarkaana ay ku cambaareeyeen isku day ay ku sheegeen inuu ahaa afgambi dhicisoobay.

War saxafadeedka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxay ku dalbadeen in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo, islamarkaana dacwad lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacan siisay afgambigii shalay fashilmay.

Golaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay raysal wasaraaha Soomaaliya go'aanka geesininada leh ee uu ka qaatay isku daygii lagu afgambin rabay, islamarkaana uu ku shaaciyay in dalka uu aadayo doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta iney dalbanayaan in madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday si deg deg ah uga baxo xaruunta madaxtooyada Soomaaliya, si ay meesha uga baxdo carqaladaha iyo shirqoolada uu kasoo maleegayo madaxtooyada.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online