4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Madaxweyne Biixi "Farmajow hadad go'aansatay, 'cidna iga danbayn mayso, oo waan burburinayaa' kuu suurogali mayso"
 

Axad, December, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku eedeeyay, in uu qorshaystay in uu Soomaaliya burburiyo, waxa kale, oo uu ku eedeeyay in uu ka danbeeyay qalalaasihii Boosaaso ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanu waxba ka baran wakhtigii ay ciidamadu soogaleen Muqdisho jahawareer siyaasadeed awgii, isla markaana imika ay raysal wasaarihii madaxa iskula jiraan.

"Ninka Xamar ka taliya ee mudo dhaafka ku jooga, iyo raysal wasaarihiisii waxay isku khilaafeen maamulkii, bishii April ee sannadkan ciidamo ayaa weeraray oo madaxtooyadii weerar ku qaaday oo isku wareejiyay, waxay ila tahay madaxweynaha Xamar jooga kuma waantoobo wixii Xamar ka dhacay maantana car iyo car ayay tagantahay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaawacyadii qalalaasihii Boosaaso lasoo gaadhsiiyay isbitaalada Hargaysa, isagoo Farmaajo ku eedeeyay masuuliyada dhibaatadaa.

"Dabkii uu ka shiday Boosaaso madaxweynaha Xamar joogaa dhibtiisii Hargaysa ayay soo gaadhay, 4 shicibkii Boosaaso kamid ah ayaa maanta yaala isbitaalada Hargaysa, qoxooti tobanaan kun ah oo soo qaxay ayaa gobolka Sanaag ku sugan" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu doonayo in aan cidi ka danbayn "Hadii aad damacday 'cidna iga danbayn mayso oo meesha waan burburinayaa', kuu suurtogali mayso, waxan ku talin lahaa Muqdisho dadka joogaa in ay ka tashadaan siday dhibta uga bixi lahaayen, wayo anagana way nasoo gaadhaysa".

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]