4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Soomaaliya iyo Puntland oo wada socdaa ay Somaliland soo weerareen
 

Axad, December, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ciidan uu leeyahay maamulka Puntland ay gobolka Sool ku dileen 6 qof oo rayid ah, isla markaana ay 10 kale dhaawaceen.

"Shalay waxa jira ciidamo Somaliland kusoo duulay, ciidan beeleed iyo ciidan Puntland ah ayaa soo weeraray shacabka Somaliland ee dagan gobolka Sool, 6 qof ayay dileen, 10 dhaawacana waxa la keenay Laascaanood,  ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay weerarka kula socotay Puntland, wuxuuna sheegay in aanu ahayn weerar hada la filayay.

"Maanta maynaan filayn in Puntland iyo Soomaaliya oo wada socdaa ay Somaliland ciidan usoo diraan, oo shacabkooda abaaraha iyo jilaalka ku jiraa weeraraan, maynaan filayn, waxa laga yeelayo waynu ka tashanaynaa dowlad ahaan" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Gobolka Sool ayaa sannadkan sii dhamaanaya ee 2021 daganaa, manay jirin wax isku dhac ciidan ama weeraro badan oo ka dhacay, marka laga reebo qabaa'ilo ku dagaalamay meelo kamid ah gobolka.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]