4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
UK oo taageertay shirka golaha wadatashiga qaran ee raysal wasaaruhu ku baaqay
 

Isniin, December, 27, 2021 (HOL) - UK ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay marayso meel xasaasi ah.

Safiirka UK, ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay   lagama maarmaan tahay in madaxda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada si loo xaqiijiyo kalsoonida natiijada ka soo baxda.

“Waxaanu hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda uu leeyahay shir deg-deg ah oo ay yeeshaan golaha wada tashiga, loogana hadlo khaladaadka doorashooyinka iyo dardar gelinta hawlaha harsan,” ayay tiri safiirka UK, Kate Foster.

Safiirka ayaa sheegtay shirka golaha wadatashiga qaranku inuu noqdo mid xalliya cabashooyinka habraaca doorashada iyo in la ixtiraamo madax-banaanida hay’adaha doorashada.

"Waxaan ku boorinaynaa dhammaan madaxda Soomaaliya inay ka soo qaybgalaan shirka golaha wadatashiga oo ay si wax ku ool ah uga qayb-qaataan wadahadalladan. Waxaan sii wadaynaa taageerada lagu ixtiraamayo heshiisyada 17 Sebtember 2020 iyo 27 Maajo 2021," ayay hadalkeeda raacisay Kate Foster.

UK waxay ugu baaqday madaxda Soomaaliya inay ka fogaadaan dano gaar ah iyo fal kasta oo uga sii dari kara xiisadaha siyaasadeed ee jira oo ay kamid yihiin wararka warbaahinta la isku marsiinayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online