4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Maraykanka oo taageero buuxda u muujiyay shirka golaha wadatashiga qaran ee raysal wasaaruhu ku baaqay
 

Isniin, December, 27, 2021 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa taageertay baaqii ku saabsanaa shirka tooska ah ee Golaha Wadatashiga Qaran ee todobaadkan diirada lagu saarayo hagaajinta iyo dardar gelinta hanaanka doorashada Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in madaxda heer qaran iyo heer federaal ee Soomaaliya ay si degdeg ah u soo gebagebeeyaan doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha si daah-furan una xalliyaan tabashooyinka si furan oo la aqbali karo.

‘Waxaa lama huraan ah in madaxda heer qaran iyo heer federaal ee Soomaaliya ay si degdeg ah u soo gebagebeeyaan doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha oo lagu kalsoonaan karo, daah-furan, loona wada dhan yahay, una xalliyaan tabashooyinka si furan oo la aqbali karo,’ ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in ay ka go'an tahay taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo sheegtay diyaar u tahay sidii loo gaari lahaa yoolkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online