4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Qaramada Midoobay oo go'aan lagu degdegay ku tilmaamtay xiritaanka teminaalka MOVCON
 

Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay amarkii dowladda Soomaaliya ay ku xirtay terminaalka MOVCON ee garoonka Aadan Cadde inuu ahaa go’aan lagu degdegay oo lama filaan ah.

Bayaan kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xiritaanka MOVCON aan loo marin sabab muuqata oo eedeymo ah oo loo soo bandhigay Qaramada Midoobay, si loogu sameeyo baaritaan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in wadahadallo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan lagu wado in maalmaha soo socda ay la yeelato madaxda Dowladda Federaalka.

“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaana ka xunnahay in amarkan xiritaaanka si degdeg ah oo lama filaan ah loo soo saaray iyadoo aan wadatashi hore oo ku filan laga samaynin,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

QM waxay sheegtay in ay ka go’an tahay wadashaqaynta ay la leedahay Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda, taaso ay weliba jiraan carqalado ka dhan ah hawlgalka, sida ay sheegtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishaan 24-keedii xirtay terminaalka MOVCON oo ay isticmaalaan shaqaalaha qaramada Midoobay, kuwa AMISOM iyo diblumaasiyiinta safaaraddaha shisheeye.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online