4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Xukuumadda Soomaaliya oo amar ku bixisay inaanu dalka ka safri karin Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya
 

Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa amar ku siiyay hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya inaanu dalka ka safri karin taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasiirka Amniga ayaa sidoo kale lagu sheegay in taliye Cabdixamiid oo loo haysto eedeymo iyo xadgudubyo waa weyn uu kula kacay Raysal wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana uu qorsheynayo inuu dalka si deg deg ah uga baxo.

Dhawaan ayay aheyd markii taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya uu raysal wasaaraha Soomaaliya ku eedeyay inuu boob ku haayo dhul ay leeyihiin ciidanka Badda oo uu ka dhisanaayo guryo.

Hoos ka akhriso qoraalka oo faahfaahsan.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online