4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Wasiir Alcaddaala: Waa nasiib darro in saraakiishii ciiddamada loo adeegsado in lagu jaa'ifeeyo raysal wasaaraha

Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa dacaayad ku tilmaamay eedeymo loo jeediyay raysal wasaare Rooble oo ku saabsanaa, in raysal wasaaruhu dhisanayo dhul ay leeyihiin ciiddanka badda Soomaaliya.

Wasiir Alcaddaala oo shir jaraa’id xalay ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay eedaynta loo jeediyay raysal wasaaraha in ay ka dambeeyaan kooxo abaabulan oo doonaya in ay magac dil ku sameeyaan raysal wasaaraha iyo dadaallada uu wado ee doorashada.

“Waxaa runtii nasiib darro ah, in dacaayadahaas abaabulkooda loo adeegsaday saraakiil ciiddan iyo sidoo kale qaar kamid hay’addaha rayidka ah ee dowladda, si loogu jaa'ifeeyo raysal wasaarihii qaranka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Alcaddaala.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu sheegay guddiyo loo magacaabay in ay arrintaan baaritaan ku sameeyaan oo raysal wasaaruhu u fasaxay shaqadooda, in lagu sameeyay faragalin loona diiday in ay howshooda wataan oo ay go'aan soo saaraan.

Ugu dambayn, Al-caddaala wuxuu sheegay in raysal wasaaruhu uu ku amray hay’addaha dowladda iyo saraakiisha ciiddamada in aanay ku milmin arrimaha siyaasada, wuxuuna sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii dano qaas ah ugu adeegta xafiisyadeeda.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online