4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Golaha midowga musharraxiinta oo ugu baaqay guddiga doorashada in ay doortaan guddoomiye
 

Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ugu baaqay guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka in ay si deg deg ah hoggaan u doortaan, kadib markii xubno kamid ah guddiga ay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii guddiga doorashada.

War-saxaafaddeed kasoo baxay midowga musharraxiinta ayaa loogu baaqay guddiyada doorashada in aanay ku dhex milmin siyaasada, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho daahfuran.

Golaha midowga musharraxiinta waxay sidoo kale soo dhoweeyeen shirka golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhicidoona bishaan 27-keeda sida uu bayaamiyay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista guddoomiyaha guddiga doorashada ayuu khilaaf ka taagan yahay, isagoo guddoomiyaha xilka laga qaaday uu beeniyay warkaas, sheeegayna in aanu dhicin wax kulan ah oo xilka lagaga qaaday iyo sabab looga qaaday.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online