4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2021
Guddoomiyahii Guddiga Doorashada heer Fedaraal oo goordhaw xilkii laga qaaday
 

Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedaraal oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan ayaa xil ka qaadis waxay ku sameyeen guddoomiyahii guddiga doorashada heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro.

Xubnaha guddiga doorashada ka tirsan ee goordhaw shaaciyay iney xilkii ka qaadeen guddoomiye Cirro ayaa gaarayay 18 xubnood oo ka mid ahaa guddiga doorashada heer Fedaraal, waxaana shir guddoon u ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan.

Xubnahan xilka qaadista ku sameeyay guddoomiyahoodii ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiye Cirro uu noqday shaqsi ku dhex milmay siyaasada, musuq maasuq, xil gudasho la'aan, islamarkaana uu ahaa shaqsi aanan la tashan xubnaha kale ee guddiga.

Mowliid Mataan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilkii ay si rasmi ah uga qaadeen guddoonkii guddiga doorashada heer Fedaraal, kadib baaris ay waqti dheer ku sameynayeen.

Si kastaba ha ahaatee xubnaha guddiga doorashada ee maanta xilka qaadista ku sameeyay guddoomiyahii guddiga doorashada majirto cid kale oo ay  u doorteen xilka guddoomiyenimo, waxaana xilka qaadistaan imaaneysa xili arrimaha doorashooyinka dalka ay hareeyeen caqabado badan oo sababay in doorashada lagu tilmaamo mid boob ku saleysan.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]