4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in wax ka beddel lagu sameeyo heshiiskii 17 september
 

Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galayay sannad guuradii 78-aad ee aas aaskii ciiddanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka digay in wax laga beddelo heshiiskii 17 september ee aas aaska u ah hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiska 17 September uu yahay heshiis aad looga fekeray, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la iska ilaaliyo in wax laga beddelo.  

Wuxuu madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay in la dardar galiyo doorashada xidlhibaannada aqalka hoose, wuxuuna raysal wasaaaraha iyo guddiyada doorashada ugu baaqay in ay qabtaan doorasho hufan oo lagu qanacsan yahay.

Guddoomiyaha barlamaanka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo isna ka qeyb galay sannad guurada ciiddanka booliiska, ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada wuxuu sheegay, sida ay haatan ku socoto doorashada golaha shacabka, in aanay ahayn mid waqti dhow qaadan karta, marka loo eego tirada hartay.

Mursal ayaa sheegay in heshiiska 17 September oo lagu jihaynayo doorashooyinka hadda socda uu ku egyahay dhammaadka 2021, isagoo sheegay haddii heshiiskaas uu dhaco inuu jiro qodob dastuuriya oo barlamaanka hadda jira u oggolaanaya inuu shaqada sii wato illaa baarlamaanka cusub uu yimaado oo la dhaariyo.

Hadalada madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo hadda uu jiro khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay guddiga heer federal ee hirgalinta doorashooyinka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka dambeeyo khilaafka Rooble iyo guddiyada doorashada, sababtuna ay tahay in doorashada la cuuryaamiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online