4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2021
Guddoomiye Xirsi "Madaxweynuhu waxa uu ku tumanayaa sharcigii iyo dastuurkii"

Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in uu sharciga ku tumanayo.

Xirsi ayaa furista ururada siyaasada ku sifeeyay sharcigii oo uu madaxweynuhu meel iska saaray, wuxuuna madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu dantiisa ka horaysiiyay dantii guud.

"Madaxweynuhu waxa uu ku tumanayaa sharcigii iyo dastuurkii ummaddu ku heshiisay, ee isaga laga doonayey inuu ilaaliyo oo uu dhawro. Hadalkiisii shalay iyo kii uu u soo dhiibay wasiirkiisa warfaafinta, labaduba waxa ay daliil u yihiin in madaxweynuhu meel iska saaray sharcigii dalka ee uu madaxweynaha ku ahaa, isaga oo doonistiisa shakhsiga ah ka doorbiday ilaalinta sharciga dalka" ayuu yidhi Xirsi.

Waxa uu sheegay in Biixi uu balan qaaday sarraynta sharciga xiligii doorashada lakin, uu hada caado ka dhigtay sharci jabin iyo in uu faro-galiyo golayaasha kale ee ka madaxbannaan.

"Madaxweynuhu sida aynu ognahay wuxuu ku ololeeyey sarreynta sharciga, balse 4 sano oo uu joogay waxa uu caado ka dhigtay ku tumashada sharciga iyo faro-gelinta hay'adaha dastuuriga ah ee dalka, Madaxweynuhu waxa uu farriin faro-gelin qaawan ku hayaa golaha wakiillada" ayuu yidhi Xirsi.

Waxa uu sheegay in ay fowdo tahay in madaxweynuhu ka hadlo xeer baarlamaan horyaala "inaad xeerkii ku hor yaallay aad golaha wakiillada ku soo celisaa waa awood aad leedahay, hase yeeshee inaad ka daba timaaddo awood uma lihide waa fawdo".

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]