4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2021
Guddiga Hirgelinta Doorashada Jubbaland oo shaaciyay magacyada guddiyada xulista Ergooyinka dooranaya lix kursi
 

Sabti, December, 25, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay guddiyada xulista ergooyinka dooranaya lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashada Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay magacyada liiska Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya lixda kursi ee lagu wado doorashadoodu iney ka qabsoonto 28-ka bishaan Decembar magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Liiska magacyada odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya lixda kursi ee la shaaciyay ayaa ah HOP 82, HOP 108, HOP 113, HOP 134, HOP 203, iyo HOP 217, waxayna doorashadoodu bilaabaneysa sida qorshuhu yahay maalinta Talaadada ah ee soo socota.

Hoos ka akhriso liiska oo Faahfaahsan.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]