4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 24, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo
 

Jimco, December, 24, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal khasaare geystay uu ku dhexmaray deegaanka Cabdalla Biroole oo ku yaala duleedka Kismaayo ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ymid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole, kaasoo ay isku adeegsadeen labada dhinac hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid waqti kooban socday, islamarkaana la isku adeegaaday hubka culus iyo kan fudud intaba uuna sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh walow ay sheegeen ineysa  xaqiijin karin khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha dhinac ee Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ee ku dagaalamay deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]