4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 22, 2021
Puntland iyo PSF oo oggolaaday baaqyada xabbad joojinta iyo wada hadal nabadeed oo lagu dhameynayo colaadda Boosaaso
 

Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka PSF ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada Isimada iyo culimadu ugu jiraan dhamaynta colaadda magaalada Boosaaso, halkaas oo muddo labo maalin ah  ay ku dagaalamayeen ciiddan amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hay’adda PSF, Gen, Maxamuud Cismaan Diyaano.

PSF waxay sheegtay in ay  dhaqan galinayaan xabbad joojinta lagu baaqay, isla markaana waxay caddeeyeen in ay diyaar u yihiin wada hadal iyo heshiis lagu gaaro xal iyo nabad, iyagoo intaas ku daray in ay mar walba iyagu ahaayeen kuwa xalka oggol.

Isla magaalada Bosaso waxaa maanta kulan ku qabtay Isimo iyo nabadoono, kuwaas oo ku baaqay in si degdeg ah xabbadda loo joojiyo islamarkaana wada hadal nabadeed lagu xalliyo arrinta ka dhaxaysa Puntland iyo hay’adda PSF.

Dhinaca kale, madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo raysal wasaare hore Cumar Cabdirashiid, ayaa ku kulmay magaalada Nayrobi, waxayna baaq kasoo saareen colaadda Bosaso ka jirta, waxayna sheegeen in ay ku howlan yihiin sidii heshiis loo gaari lahaa.

Baaqyadan nabadeed ayaa xal u noqday inuu istaago dagaalkii ka socday magaalada Boosaaso, kaasoo geystay khasaare weyn oo dhinaca shacabka soo gaaray, waxaana ka dhashay barakacii ugu ballaarnaa ee Boosaaso ka dhaca sannadihii ugu dambeeyay.

Wasiirka amniga Puntland oo maanta barqadii warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay cid kasta oo ka shaqeynaysa in heshiis aan wax u dhimayn dowladnimada laga gaaro colaadda ka aloosan magaalada Boosaaso.

Wasiirka amniga Cabdisamed Gallan ayaa dhinaca kale beeniyay in ay jiraan ciidamo ka tirsan Gor-gor  oo Boosaaso ka dagaalamaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online