3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 22, 2021
Kooxda TPLF oo dowladda ku eedaysay inay weerar kusoo qaaday gudaha degaanka Tigray

Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay weeraro ku qaadeen qaybo kamid ah gobolka Tigray, isagoo xusay in laga soo weeraray saddex aag oo ay ku sugnaayeen kooxda TPLF.

Eedayntan ayaa kusoo hagaagtay xilli maalmo ka hor ay TPLF sheegtay inay ka baxayso dhammaan dhulkii ay horey u qabsatay ee degaannada Canfarta iyo Axmaarada, taas oo dowladdu ku sheegtay in xoog looga saaray TPLF degaannadaas, balse ay TPLF dhankeeda sheegtay in iyagu iskood uga baxeen.

Geesta kale dowladda Itoobiya ayaa TPLF ku eedeysay inay burbur baahsan u gaysatay goobihii ay horey TPLF u qabsatay ee dhawaan laga kiciyay, kuwaas oo ay dowladdu ballan qaaday in dib loo dayactirayo.

TPLF ayaa sidoo kale dowladda ku eedaysay inay xasuuq ka gaysatay gudaha degaanka Tigray, iyadoo sheegtay in duqaymaha dhanka cirku ay ku wax yeeloobeen, dad shacab ah oo aad u tiro badan siday TPLF sheegayso.

Warbaahinta madaxa banaan ma caddayn karto eedaymaha ay isu tuurayaan dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/22/2021 1:15 PM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka PSF ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada Isimada iyo culimadu ugu jiraan dhamaynta colaadda magaalada Boosaaso, halkaas oo muddo labo maalin ah ay ku dagaalamayeen ciiddan amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hay’adda PSF, Gen, Maxamuud Cismaan Diyaano.

12/22/2021 4:39 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka PSF ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu mas'uul ka yahay dagaalka labada cishe ka socda magaalada Boosaaso, waxayna sheegeen dhankooda in ay xun yihiin dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

12/22/2021 2:57 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhameeyo colaadda ka jirta magaalada Boosaaso oo maalintii labaad uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo kuwa PSF.

12/22/2021 2:51 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Qaranka, kaasoo horay u dilay laba wiil oo dhalinyaro aheyd.

12/22/2021 1:02 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Rome waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) kula saxiixday Madaxweynaha Hay'adda Med-Or Leonardo Foundation Marco Minniti, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee tacliinta sare iyo dhaqanka.

12/22/2021 12:38 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada Gorgor ayaa sheegtay iney la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose, kadib howlgalo saacadahii lasoo dhaafay ay sameyeen.

12/22/2021 12:11 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Dagaal xooggan ayaa aroornimadii hore ee saakay mar kale dib uga qarxay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso, gaar ahaan goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamada amniga Puntland iyo kuwa PSF.