2/6/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 22, 2021
Puntland oo sheegtay in ay diyaar u tahay in wada hadal lagu dhameeyo colaadda Boosaaso
 

Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhameeyo colaadda ka jirta magaalada Boosaaso oo maalintii labaad uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo kuwa PSF.

Wasiirka amniga oo shir jaraaid qabtay, ayaa sheegay in ay dhankooda xabbada joojiyeen islamarkaana ay aqbaleen codsi uga yimid Isimo, nabadoono, culimo iyo ganacsato meelo kala duwan kalasoo xiriiray.

Gallan ayaa ku eedeeyay ciiddanka PSF in ay magaalada Boosaaso ku garaaceen madaafiic ay dad shacab ah ku geeriyoodeen, isagoo sheegay in maamulka Puntland uusan weli qaadin wax tallaabo ah oo ay kaga jawaabayaan madaafiicda ka imaanaya dhinaca PSF.

“Annagu wax allaale wixii wada hadal ah oo xabbada lagu joojinayo oo baracakinta lagu joojinayo oo aan sharciga iyo dowladnimada wax u dhimayn, diyaar ayaan u nahay. Waxaan rabnaa in nalala arko in shidadu ka socoto nimanka qowlasatada ah,” ayuu yiri wasiirka amniga.

Warar uu helay HOL ayaa sheegaya in madaxtooyada Garowe ay madaxweyne Deni kula kulmeen Isimo iyo nabadoono, kuwaas oo madaxweynaha ka codsaday in si degdeg ah xabbada lagu joojiyo.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkii saaka ka qarxay magaalada Boosaaso ayaa geystay khasaare weyn oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed, waxaana khasaaraha ugu weyn geystay madaafiic ku dhacday goobo shacab ah.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
12/22/2021 1:15 PM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka PSF ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada Isimada iyo culimadu ugu jiraan dhamaynta colaadda magaalada Boosaaso, halkaas oo muddo labo maalin ah ay ku dagaalamayeen ciiddan amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hay’adda PSF, Gen, Maxamuud Cismaan Diyaano.

12/22/2021 4:39 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka PSF ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu mas'uul ka yahay dagaalka labada cishe ka socda magaalada Boosaaso, waxayna sheegeen dhankooda in ay xun yihiin dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

12/22/2021 3:09 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay weeraro ku qaadeen qaybo kamid ah gobolka Tigray, isagoo xusay in laga soo weeraray saddex aag oo ay ku sugnaayeen kooxda TPLF.

12/22/2021 2:51 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Qaranka, kaasoo horay u dilay laba wiil oo dhalinyaro aheyd.

12/22/2021 1:02 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Rome waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) kula saxiixday Madaxweynaha Hay'adda Med-Or Leonardo Foundation Marco Minniti, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee tacliinta sare iyo dhaqanka.

12/22/2021 12:38 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada Gorgor ayaa sheegtay iney la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose, kadib howlgalo saacadahii lasoo dhaafay ay sameyeen.

12/22/2021 12:11 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Dagaal xooggan ayaa aroornimadii hore ee saakay mar kale dib uga qarxay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso, gaar ahaan goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamada amniga Puntland iyo kuwa PSF.