2/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 22, 2021
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo maanta Toogasho ku fulisay Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya

Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Qaranka, kaasoo horay u dilay laba wiil oo dhalinyaro aheyd.

Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay askariga ka tirsanaa ciidanka NISA ayaa ka dhacay magaalada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana goob joog ka ahaa fagaaraha lagu toogtay askariga qaar ka mid ah ehalada labadii wiil uu horay u dilay askariga.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Xuseen, kaasoo bishii lasoo dhaafay ku dilay degmada Baled Xaawo laba dhalinyaro ah oo daawanayay ciyaar kubbada cagta ah oo ka socotay Beled Xaawo, dhawaan ayayna aheyd markii Maxkamada ciidanka qalabka sida ku riday xukunka dilka ee maanta lagu fuliyay.

Dilka toogashada ay maanta fuliysay Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe askarta ciidanka dowladda ay si bareer ah dilal kala duwan ugu geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed aanan waxba galabsan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/22/2021 1:15 PM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka PSF ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada Isimada iyo culimadu ugu jiraan dhamaynta colaadda magaalada Boosaaso, halkaas oo muddo labo maalin ah ay ku dagaalamayeen ciiddan amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hay’adda PSF, Gen, Maxamuud Cismaan Diyaano.

12/22/2021 4:39 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciiddanka PSF ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu mas'uul ka yahay dagaalka labada cishe ka socda magaalada Boosaaso, waxayna sheegeen dhankooda in ay xun yihiin dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

12/22/2021 3:09 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay weeraro ku qaadeen qaybo kamid ah gobolka Tigray, isagoo xusay in laga soo weeraray saddex aag oo ay ku sugnaayeen kooxda TPLF.

12/22/2021 2:57 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhameeyo colaadda ka jirta magaalada Boosaaso oo maalintii labaad uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo kuwa PSF.

12/22/2021 1:02 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Rome waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) kula saxiixday Madaxweynaha Hay'adda Med-Or Leonardo Foundation Marco Minniti, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee tacliinta sare iyo dhaqanka.

12/22/2021 12:38 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada Gorgor ayaa sheegtay iney la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose, kadib howlgalo saacadahii lasoo dhaafay ay sameyeen.

12/22/2021 12:11 AM EST
Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Dagaal xooggan ayaa aroornimadii hore ee saakay mar kale dib uga qarxay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso, gaar ahaan goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamada amniga Puntland iyo kuwa PSF.