4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 22, 2021
Taliska ciidanka Gorgor oo sheegtay iney la wareegeen deegaano hoostaga degmada Awdheegle
 

Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada Gorgor  ayaa sheegtay iney la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose, kadib howlgalo saacadahii lasoo dhaafay ay sameyeen.

Deegaanada Gorgor ay sheegatay iney la wareegtay ayaa waxaa ka mid ah Shaamgare, Jowhar yareey iyo Mubaarak oo ka mid ah deegaanad hoostaga Awdheegle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Gorgor oo la hadlaayay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in ciidamada Gorgor ay ka go'an tahay la dagaalanka Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolka Sh/hoose.

Saraakiisha ayaa intaasi ku dartay in howlgalada ay sameyeen ay ku dileen 5 ka mid dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana ay ku dhaawaceen 7 kale oo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaabkii ku sugnaa deegaanka Shaamgare oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Awdheegle.

Gabagabadii taliyaha guutada Gorgor Dayax Cabdi Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay in howlgalka Shabaab ay kula dagalaamayaan ciidanka Gorgor ay sii wadayaan, islamarkaana ay ku wajahan yihiin deegaanada kale ay haatan ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]