4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 22, 2021
Dagaal culus oo mar kale saakay dib uga qarxay magaalada Boosaaso
 

Arbaco, December, 22, 2021 (HOL) - Dagaal xooggan ayaa aroornimadii hore ee saakay mar kale dib uga qarxay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso, gaar ahaan goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamada amniga Puntland iyo kuwa PSF.

Dadweynaha magaalada Boosaaso ayaa ku waaberiistay daryanka hubka daran-doorriga u dhaca oo ay labada dhinac is waydaarsanayaan, welina lama hubo khasaaraha uu dhaliyey.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo shalay dib ugusoo laabtay magaalada Garowe uu amar ku bixiyay in ay ciiddanka Puntland soo afjaraan howlgalka Boosaaso.

Lama oga khasaaraha ka dhashay, waxaana xaafaddaha dagaalku ka socdo ka bilowday barakac aad u ballaaran.

Afhayeenka u hadlay ciiddanka PSF ayaa sbeegay in ay guulo ka gaareen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay in ay isku fidiyeen goobihii shalay lagu dagaalamay iyo aagga madaxtooyada.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamo katirsan Puntland iyo gaadiidkooda dagaalka ay kusoo biireen dhinaca PSF, isagoo sheegay in ay iska difaacayaan duulaan kasta oo kaga yimaada madaxweyne Deni sida uu sheegay.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]