4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 19, 2021
Somaliland : Gabadh shaqada looga joojiyay taageero ay u muujisay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
 

Axad, December, 19, 2021 (HOL) - Nimco Cabdi Wahaab Shirdoon, oo ah wariye muddo dheer ka tirsanayd wasaarada warfaafinta Somaliland, ayaa shaqadii laga joojiyay kadib markii qoraal ay soo galisay bogeeda Facebook ay taageero ugu muujisay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

"Muddo dhawayd waxaa dhacday in ay isku dhaceen, guddoomiyaha baarlamaanka dalkeena J. Somaliland iyo TV-ga qaranka, taasi oo ah sunaha dalkeena iyo dadkeena in ay tahay wax caadiya oo laga heshiin karo...waxa dhacday in aan guddoomiye Khaliif sawir kiisa soo dhigay, waxa la i yidhi gaf ayaad ku dhacday" ayay tidhi Nimco.

"Sawirkii iyo magacaygii oo isla socda, ayaa la keenay iyadoo laygu hanjabayo oo laygu ganaaxayo in aan shaqada qaranka meel kaga dhacay, agaasimaha guud ayaa ii yeedhay, kadibna wuxuu iigu hanjabay 'ma ogtahay Facebook gaaga waxan aad soo dhigaysa in uu yahay khalad xeerna uu ku qabanayo".

Nimco ayaa sheegtay in habeenkii xalay ahaa uu maamulka waaxda ay ka tirsanayd ku war galiyay in shaqadii laga joojiyay, "Xalay waxa ila soo hadlay madaxa waaxdii aan hoostagayay, oo igu yidhi 'Nimcoy madaxdii iga saraysay waxay ii sheegeen in shaqadii laga joojiyo' ".

Qoraalka Nimco shaqada looga joojiyay ayaa ahaa mid ay taageero ugu muujisay guddoomiye Khaliif xili uu khilaaf soo kala dhexgalay TV-ga Somaliland, "kuwii indhaha Hoos urogan jiray ee hacoo yada Ahaa baad rabtane kani waa halyay kudhac iyo ku dhiirashaba leh".



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]