4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 19, 2021
Aqalka senate-ka Mareykanka oo ansixiyay safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya
 

Axad, December, 19, 2021 (HOL) - Senetka Mareykanka ayaa meel mariyay in Larry Edward Andre, Jr, oo ah xubin sare oo ka tirsan Adeegga Arrimaha Dibadda, uu noqdo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Larry Edward Andre, Jr ayaa safiir ka soo noqday Mauritania iyo Jabuuti. Waxa uu markii ugu dambeysay si ku meel gaar ah u hayay xilka sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Juba, South Sudan.

André ayaa bedeli doona Donald Yamamoto oo ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay tan iyo bishii November 2018.

Safiirkan ayaa ka mid ahaa sagaal dublamaasi oo u magacaabay safiirnimo bishii April ee la soo dhaafay madaxweyne Biden, magacaabistaasina waxay ahayd tii ugu horreysay ee loo doorto ergey dibadda ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

André waxa uu ahaa ergeyga gaarka ah ee Suudaan iyo Koonfurta Suudaan. Bishii Sebtembar 2014 ayaa madaxweynihii xilligaas Barack Obama uu u magacaabay safiirka Mauritania.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online