4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Somaliland iyo Jabuuti oo iska kaashanaya horumarinta waxbarashada

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Somaliland Cabdixakiin Siciid Bustaale, oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay iska kaashanayaan horumarinta waxbarashada.

Wasiir Bustaale oo waraysi gaar ah siiyay MM TV, ayaa sheegay in uu caasimada Jabuuti ku joogo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wasaarada waxbarashada ee Jabuuti, halkaasi oo ay labada wasaaradood ku wada galeen heshiis ku salaysan horumarinta waxbarashada.

"Heshiiskayagaasi waxa uu ku salaysnaa sidii xirfadaha iyo aqoonta labada wasaaradood gacanta ku hayaan aanu u wadaagi lahayn, iyo in aanu sii xoojino xidhiidhka waxbarasho ee labada dowladood ka dhexeeya, oo Afrikana sal ay u tahay iskaashiga dowladaha jaar ka ah oo aanu ka bilowno dalka Jabuuti" ayuu yidhi Bustaale.

Wasiirka ayaa sheegay in sidookale, ay wax ka korodhsanayaan, qaybta waxbarashada farsamada gacanta ee dalka Jabuuti, si ay wax ugaga badalaan dugsiyada farsamada gacanta ee Somaliland.



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]