4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 14, 2021
Wasiirkii hore ee socdaalka Denmark oo xarig ku mutaysatay kala qeybin ay ku sameysay lamaanayaal magangalyo doon ah
 

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee socdaalka Denmark, Inger Støjberg ayaa lagu helay inay si sharci darro ah u kala saartay lamaanayaal magangalyo doon ah, waxaana lagu xukumay 60 maalmood oo xabsi ah.

Garsoorayaasha ayaa Støjberg ku helay danbi ah inay baarlamaanka siisay xog marin habaabin ah, waxayna isku raaceen in amarkeeda uu jabiyay sharciga Denmark iyo heshiiska xuquuqul insaanka ee Yurub.

Støjberg ayaa ku adkaysatay in aanay wax dambi ah lahayn, waxaanay sheegtay in ay aad ula yaabtay xukunka lagu riday, kaas oo aan wax racfaan ah laga qaadan karin.

48-jirkan ayaa soo noqotay wasiirka socdaalka, isdhexgalka, iyo guriyaynta Denmark intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2019, iyadoo katirsanayd dawladii hore ee midigta dhexe.

Sannadkii 2016-kii, waxay bilawday siyaasadda lagu kala saarayo carruurta aan qaan-gaarin iyo lammaanahooda sababo la xiriira walaac laga qabo in guurkooda uu ahaa mid qasab ah.

23 lammaane oo u badan Suuriyaan, ayaa la kala qaybiyay oo la dhigay xarumo gaar ah ka hor inta aan siyaasadda la joojin bilo ka dib.

Saraakiisha ayaa sheegay in lamaanayaasha qaar ay yimaadeen Denmark iyaga oo wata caruur ama iyagoo haweenku uur leeyihiin.

Baarlamaanka Denmark ayaa u codeeyay in Støjberg la maxkamadeeyo ka dib markii guddi baarlamaanku magacaabay ay sheegeen in kala saarida lamaanayaasha ee xarumaha magangalyada ay tahay mid sharci darro ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online