4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 14, 2021
Afhayeenka xisbiga Waddani oo ka hadlay faragalin uu sheegay in lagu hayo Golaha Wakiilada Somaliland

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Waddani Xil. Barkhad Jaamac Batuun, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay faragalin uu sheegay in ay ku hayso Golaha Wakiilada Somaliland.

Batuun ayaa sheegay in Somaliland ku dhisantahay saddex hay'adood oo kala madaxbannaan, oo ah fulinta, sharcidajinta iyo xeer ilaalinta, wuxuuna sheegay in goluhu uu kamid yahay hay'adaha madaxbannaan oo anay cidna faragalin karin.

"Qaran kani wuxuu ka koobanyahay saddex dhadhaar, fara-galinta mid ba midka kale faragalinayaa waa xaaraan, golahani waa gole ka madaxbannaan xisbiyada, waa gole ka madaxbannaan xukuumadaha,  waa  gole loo xilsaaray in ay sameeyaan xeerarkii taabanayay nolosha bulshada Somaliland" ayuu yidhi Batuun.

Batuun ayaa madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu hurinayo khilaafka ka dhextaagan golaha, wuxuuna ku hanjabay in ay madaxweynaha talaabo ka qaadi doonaan hadii aanu joojin faro galinta.

"Hadii jiritaanka golaha aad aqbali waydo, hadii khilaafkan hurintiisa qayb aad kasii ahaato, sharciyadaada madaxweynenimo in aanu goluhu aqbali doonin" ayuu yidhi Batuun.

Khilaaf ku lugleh dhaqangalnimada xeerka furista ururada siyaasada ayaa ka dhex qarxay golaha wakiilada ee Somaliland iyadoo xildhibaannada qaarkood ay sheegeen in ay jirto faragalin golaha kaga imanaysa xukuumada, xisbiyada iyo kooxo kale.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]