4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 14, 2021
Lix ruux oo gaajo iyo haraad ugu geeriyooday deegaano ka tirsan maamulka Galmudug
 

Talaado, December, 14, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in abaaro aad u baahsan oo dad ugu dhinteen gaajo iyo haraad dartood ay ka jiraan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Axmed Maxamed Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney jirto dhimashada ilaa 6 ruux oo gaajo iyo haraad ba,an oo ka dhashay abaaraha daran ee xiligaan ka jira deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Waxuu intaasi ku daray guddoomiye Shire in dadka abaartu ka laaysay inta badan xoolahii ay dhaqanayeen, kuwaas oo ay u sii dheer tahay xanuun kala duwan oo ay ugu horeyso nafaqadarada.

Magaalada Gaalkacyo waxaa maalmahii lasoo dhaafay si aad ah looga dareemayay qulqulka dadka kasoo hayaamaya dhulka baadiyaha ay abaartu soo xaalufisay oo buux dhaafinaayay xeryaha dadka barakacayaasha ku jiraan, halka qaarkoodna ay dul dageen qoysas ay qaraabo la yihiin.

Maamulka Galmudug ayaa sheegaya iney wada dedaalo biyo dhaamin loogu samaynayo dadka ay saamaysay abaarta ba,an ee ka jirta deegaanada gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Abaarta ka jirta gobolada qaar ee dalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid marba marka ka dambeysa kusii siyaadeysa deegaanada iyo degmooyinka gobolada dalka intooda badan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]