4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2021
Guddoomiha Golaha Wakiilada Somaliland oo sheegay in sharci iyo sharci daro laysku hayo
 

Isniin, December, 13, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in xildhibaannada muxaafadka taabacsani, ay wado sharciga baal marsan wax ku doonayaan, xaga kuwa mucaaradkuna ay leeyihiin sharciga hala raaco.

"Sida saxaafada laga sheegayo ma jirto cid isku haysa ururo yaan la furin iyo8 hala furo, waxa laysku  hayaa habraacyadii sharci aan u marno waxkasta oo golaha yaala iyo umari mayno ayaa laysku hayaa, qof walbana wuxuu sanka kaga tolnaan doonaa in uu sharciga raaco" ayuu yidhi Khaliif.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadalka wasiir Koore aanu waxba ka badali karin xeerka horyaala golaha, islamarkaana aanu wax saamayn ah lahayn.

"Xeerkasta oo uu madaxweynuhu soo celiyo waa in golaha la horkeena, oo goluhu ama cod ku diidaa ama ku aqbalaa, markaas ayuu xukun ka dhalanayaa, lakin ama wasiir ha noqdo ama guddoomiye baarlamaan ha noqdee wax saamayn sharci ah oo uu yeelanayaa ma jiro" ayuu yidhi Khaliif.

Dhinacakalena, guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Siciid Mirre Faarax Giire, ayaa kasoo horjeestay guddoomiyaha isaga oo dibada kaga sugnaa aqalka wakiilada si lamid ah xubnaha kale ee ka biyo diiday habka loo wajahayo xeerka furista ururada siyaasada.

Xildhibaannada mucaaradka iyo muxaafadka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa saaka isku gacan qaaday kadib, markii laysku qabtay dhaqangal nimada xeerka furista ururada siyaasada.



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]