4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2021
Shirkada Flydubai oo dib u bilaabaysa duullimaadyadeedii Hargaysa
 

Isniin, December, 13, 2021 (HOL) - Shirkadda duullimaadyada ee Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadeeda caasimada Somaliland ee Hargaysa laga bilaabo 18-ka bishan December.

Flydubai ayaan in muddo ah iman magaalada Hargaysa, kadib markii ay maamulka hay'ada hawada ee Somaliland isku maandhaafeen, tirada duulimaadyada ay ee diyaaradu Hargaysa ku iman karto, oo maamulka hawadu sheegeen in lagu soo ururiyay saddex duulimaad oo kali ah madaama oo lagu jiro xili jilaal ah oo aanu suuq badani jirin.

Flydubai oo horay uga biyo diiday amarka xukuumada, ayaa hada u muuqata in ay aqbashay, iyadoo sheegtay in ay Hargaysa ka bilaabi doonto safaro todobaadkiiba saddex jeer ah.

Qoraal lagu baahiyay boga Flydubai ayaa lagu sheegay in diyaaradu ay sadex jeer todobaadkiiba safaro ku tagi doonto madaarka caalamiga ah ee Cigaal, iyagoona sheegay in ay la shaqaynayaan hay'ada duulimaadyada Somaliland oo ay horay isku maandhaafeen.

Shaqajoojinta Flydubai ayaa samayn ku yeelatay dadka rakaab ka ah iyadoo uu qaaliyoobay tigidhada diyaaraha lagu raaco.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]