4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 12, 2021
Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo ka horyimid furista ururada siyaasada
 

Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa si wayn uga horyimid go'aanka xukuumada Somaliland ee furista ururada siyaasada, oo galabta uu ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa go'aanka xukuumada ee furista ururada siyaada ku tilmaamay, sharci jabin, isagoo sheegay in xukuumadu anay faro-galin karin xeerka furista ururada siyaasada ee yaala golaha wakiilada Somaliland.

"Qodobka 37 waxa uu tilmaamayaa in saddexda hayadood ee dalku ka koobanyahay ay kala madaxbannaanyihiin, oo anay is faragalin, oo uu dastuurku reebay faragalin kasta oo uu dhadhaar kale dhadhaar kale ugu gudbo, wasiirku hadalkiisu faragalin cad ayuu ahaa, qodob gole horyaala oo laga doodayo waa farogalin cad" ayuu yidhi Xirsi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa isaguna go'aanka xukuumada ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan karin, isaga oo sheegay in hadalka wasiir Koore ahaa qaran dumis.

"Wasiirka maanta hadalkiisu, hadal masuul muu ahayn, hadal dal u tudhaya muu ahayn.., ina Koorow dhimashada Somaliland ku adimi maysid, reer Somaliland waxan leeyahay qof iyo qaran kala doorta, hadii madaxweynuhu 5 tiisa sanno iimaansan waayo shir talo qaran baanu iskugu noqon" ayuu yidhi Faysal.

Xeerka furista ururada siyaasada ayaa yaala golaha wakiilada Somaliland, oo uu madaxweyne Biixi dib ugu celiyay si wax looga badalo qodobada qaarkood, isla markaana xubnaha golaha ayaa ku muransan in xeerku dhaqan gal yahay iyo in kale.



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]