4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 12, 2021
Faahfaahin ku saabsan waxa maanta keenay in la xayiro shaqadii Tarminaalka garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne
 

Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa maanta xiray howlahii Tarminaalka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kadib markii la sheegay iney isfaham waa dhinaca dhaqaalaha ah uu soo kala dhexgalay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo madaxda shirkada Whitestar Group ee dhistay Tarminaalka Garoonka Ugaas Khaliif.

Xayiraarada la saaray shaqadii maalinlaha aheyd ee ka socotay Tarminaalka garoonka Ugaas Khaliif ayaa saameynta ugu weyn waxay ku yeelatay dadka shacabka ah ee doonayay iney ka duulaan garoonka oo ku nasan jiray gudaha Tarnimaalka, taas badalkeedana saaka diyaaradii ay raaci lahayeen ku sugaay meel banaan ah, islamarkaana cadceedu dushooda ku dhaceysay.

Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakada HOL ayaa inoo sheegay in kulan isfaham waa kusoo dhamaaday uu dhexmaray madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo madaxa Shirkada dhistay Tarminaalka garoonka Ugaas Khaliif Baledweyne Cabdimaalik Xaaji Cabdulle, kaasoo sababay ugu dambeyn in ciidamada madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf dabageed ay jirdil xoogan u geysteen Cabdimaalik Xaaji Cabdulle.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka madaxda shirkada dhistay Tarminaalka garoonka Ugaas Khaliif Baledweyne oo la xariirta sababta keentay in la xayiro howlahii shaqo ee Tarnimaalka garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]