4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 12, 2021
Dowladda Soomaaliya oo Qaramada Midoobay horgeysay warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka
 

Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Xoghayaha 1-aad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka Maxamed Cabdiraxmaan Cumar ayaa Qaramada Midoobay ugudbiyay warbixin looga hadlayay xaladda Abaaraha dalka ka jira iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu gurmaneyso dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xoghayaha safaaradda ayaa warbixintiisa horgeeyay dood qaramada Midoobay ka leedahay abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee taagan.

Maxamed C/raxmaan Cumar ayaa u mahadceliyay Guddiga Abaaraha ee heer Qaran sida ay ugu dhabar adeegeen gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Warbixinta ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadeysa xilli qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ay xiligan ka jirto xaalad abaareed oo aad u daran oo saameysay dadka iyo waliba xoolahooda.

  

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online