4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 12, 2021
Alshabaab oo sheegay in ay 4 askari oo katisan ciiddanka Burundi ku dileen weeraro ismiidaamin ah oo ka dhacay Shabeeladda dhexe
 

Axad, December, 12, 2021 (HOL) - Qaraxyo is xigxigay ayaa shalay lala beegsaday askarta Burundi ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeellada dhexe, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Sarkaal la hadlay Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa sheegay in Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay haleeleen labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaanka Buurane iyo Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo sheegtay in weerarkaas ay ku dileen afar askari oo ka tirsan ciidamada Burundi.

Mahadaay, oo saldhig u ah AMISOM, waa magaalo beeralay ah oo ku taal meel 118 kilomitir (73 mayl) waqooyi ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sabtidii shalay , ayay ahayd markii qarax ka dhacay magaalada Jowhar uu ku dhintay hal qof oo rayid ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen shan kale oo ay ku jiraan laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online