4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 8 , 2021
Puntland oo raysal wasaare Rooble ku bogaadisay mowqifkiisa hogaaminta dalka muddada kala guurka ah
 

Axad, Agoosto, 8, 2021 (HOL) - Puntland ayaa ku boggaadisay Ra'iisul Wasaare Rooble, hogaaminta dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka.

War kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay, in ay Puntland markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo uu kaga hor yimid go’aan madaxweyne Farmaajo uu xukuumada Rooble kaga joojiyay in ay wax heshiisyo ah galaan xilliga doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu golihiisa wasiiradda faray in ay shaqooyinkooda si caadiya u qabsadaan islamarkaana wuxuu difaacay wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya.

Waxaa horayna laga dareemay saan-saanta khilaafka madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay taageereen go’aanka raysal wasaaraha kuna bogaadiyeen.

Raysal Wasaar Rooble ayaa bayaanka uu soo saaray wuxuu si cad ugu sheegay inuu isagu xilligaan kala-guurka ah masuul ka yahay haggida dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online