4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 8 , 2021
Raysal wasaare Rooble oo sheegay in awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay leeyihiin kaliya Golaha Wasiirada
 

Axad, Agoosto, 8, 2021 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faray dhamaan hay’addaha dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah.

Hadalkaan kasoo baxay raysal wasaaraha ayaa u muuqda mid lagu burinayo go’aankii xalay uu soo saaray madaxweyne Farmaajo oo hay’addaha dowladda ka mamnuucay in ay wax heshiis ah galaan inta lagu jiro howlaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, ayaa sheegay isagooo cuskanaya qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, in isaga iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxan yihiin  in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka dawladda.

Warsaxafadeedka dhexdiisa wuxuu raysal wasaaruhu ku difaacay in wada xaajoodyada lagu hagajinayo xiriirka dibadeed ee Soomaaliya ay yihiin kuwa dhawraya Madaxbanaanida iyo Siyaadda Qaranka Soomaaliyeed islamarkaana ay yihiin waajib dastuuri ah oo ka saaran Ra'iisul Wasaaraha iyo Xukuumddiisa,

Qoraallada kasoo kala baxay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ayaa kusoo aaday xilli aad loo hadal hayo safar ay Muqdisho ku tagtay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa raysal wasaaraha ugu keentay Muqdisho casuumaad ay ka siday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, kaasoo raysal wasaaraha ku casuumay Kenya.

Wararku waxay sheegayaan in go’aankii madaxweynaha xalay kasoo baxay uu ahaa mid raysal wasaare Rooble looga hor istaagayo inuu heshiis ama wada xaajood ah la galo Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online