4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 8 , 2021
Xukuumada Somaliland oo ka falcelisay waraysi uu bixiyay guddoomiyaha golaha wakiilada
 

Axad, Agoosto, 8, 2021 (HOL) - Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa beeniyay jawaabo uu bixiyay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed xili uu waraysi siinayay muuqbaahiyaha Universal.

Wasiir Caateeye ayaa sheegay in loolanka doorashada shirguddoonkii golaha wakiilada ay qolo waliba dhankeeda ka waday isla markaana aanu jirin culays la sheego oo xukuumadu saartay mucaaradka, isagoo ka jawaabaya eedaynta guddoomiye Khaliif ee ahayd in xukuumadu ay awood badan isticmaashay taasina ay keentay in loolanka doorashada shirguddoonku adkaado.

“Waxa la waydiiyay maxa sababay loolankii adkaa ee doorashada golaha, su’aashaa oo uu guddoomiye Cabdirisaaq kaga jawaabay in xukuumada Somaliland ay rabtay dheelintir la’aan saddexda dhadhaar ee dowlada ah, taana waxaanu kaga jawaabaynaa.. waxa qasab ahayd in doorashada shirguddoonka lagu tartamo taasi oo isbahaysiga UCID iyo Kulmiye ugu tartameen si milgo  iyo maamuusleh, manuu jirin adayg fara badan oo la sheego” ayuu yidhi wasiir Caateeye.

“Muu jirin adayg aan kahayn in ragii musharixiinta ahaa mid waliba iskugu geeyay tab iyo xeelad wixii uu hayay siduu uga mid noqon lahaa shirguddoonka golaha wakiilada, guddoomiye Khaliif na aanu u yaraysan ee geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay siduu u noqon laha guddoomiyaha golaha wakiilada” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Caateeye.

Wasiirka ayaa sidookale beeniyay in golihii hore ee wakiiladu uu noqday wada muxaafid oo uu howlaha xukuumada fulin jiray  sida uu ku andacooday guddoomiye Khaliif intii lagu guda jiray waraysiga uu Universal siiyay.

“Intii guddoomiye Baashe xilka hayay waxa uu goluhu gaashaanka u daruuray xeerar badan waxaana tusaale inoogu filan, kaabistii iyo wax kabadalkii xeerka booliska, kaabistii iyo wax kabadalkii xeerka duulista iyo hawada, kaabistii iyo wax kabadalkii xeerka tamarta kuwaaso ka yimid fulinta sharci dajintuna kusoo celisay” ayuu yidhi wasiir Caateeye.

Wasiirka ayaa sidookale waxba kama jiraan ku tilmaamay in aqoonyahanka iyo wax garadka gobolka Sool ay Somaliland ka maqanyihiin isagoo soo qaatay  tusaalayaal dad madax dhaqameed iyo wax garad ah oo Somaliland ku sugan.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo ku hadlaya afka xukuumada Somaliland, ayaa beeniyay jawaabo uu bixiyay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo aha in xukuumadu ay awood u isticmaashay doorashadii shirguddoonka, in golihii hore ee wakiiladu muxaafid aha iyo in waxgaradka kasoojeeda gobolka Sool ay Somaliland ka maqanyihiin.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]