4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 8 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo maanta dowladda Faransiiska ka guddoontay deeq tallaalka Covid19 ah


Axad, Agoosto, 8, 2021 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa dowladda Faransiiska uga mahad celisay deeq ku saabsan tallaalka Astra/Zeneca oo maanta lagasoo dajiyay magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 108,000 oo ah tallaalka Oxford/Astrazeneca, ay maanta dowladdu kala wareegtay hay’addaha Unicef iyo WHO.

Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar ayaa sheegtay in helitanka tallaalkan uu kusoo beegmay xilli xasaasi ah oo uu caabuqa Covid19 markii saddexaad kusoo laabtay dalka.

Wasiirka caafimaadku waxay sheegtay in dadka sida buuxda tallaalka u qaatay ay yihiin 186,094 qof, halka 92,792 qof ay qaateen wajigii koowaad ee tallaalka covid19.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online