4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 8 , 2021
Muxuu ku saabsan yahay safarka wasiirka arrimaha dibedda Kenya ay ku tagtay Muqdisho
 

Axad, Agoosto, 8, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo ayaa maanta oo axad ah gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, taasoo ah safarkeedii ugu horreeyay ee ay ku timaado Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Raychelle Omamo waxay la kulmi doontaa dhiggeeda wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ra’iisul wasaare Xuseen Rooble, kadibna waxay wadahadal la yeelan doontaa madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Wargeyska The Star ee kasoo baxa Kenya ayaa qoray in ay Raychelle Omamo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya kala hadli doonto muranka soohdinta badda ee muddada dheer soo jiitamayay.

“Ajandaha ayaa ah muranka xuduudaha oo hadda yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, ”ayuu yiri sarkaalka la hadlay the Star.

Kenya ayaa 19 -kii Luulyo, 2021 qoraal ay u dirtay guddiga Midowga Afrika waxay kaga codsatay in ay bixiyaan kaalmo farsamo oo la xiriirta arrimaha xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya.

Kenya ayaa dabada ka riixeysa wada xaajood siyaasadeed oo ku saabsan dacwadda badda ee ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda ICJ, taasoo ugu dambayn dhegaysatay bishii march ee sannadkan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online