4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 8 , 2021
Dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose iyo Al-shabaab oo guulo ka sheegtay
 

Axad, Agoosto, 8, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxuuna dagaalka yimid kadib markii Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga ciidanka Baarsanguuni.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalka ahaa mid aad culus oo la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaas ay ku dileen 8 askari oo uu kujiro Sarkal ay Magaciisa ku sheegeen Yuusuf Aadan, sidoo kale ay kusoo qabsadeen 5 Qoray oo nooca AK47 ah, in kastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]