3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 7 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si deg deg ah ugu hambalyeeyay guddoonka cusub ee guddiga doorashada Somaliland
 

Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si deg deg ah ugu hambalyeey xubnaha is doortay ee guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee garabka Mahdi Guuleed.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay inuu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday khilaafka ka dhex taagnaa siyaasiyiinta gobolada Waqooyi oo ay hormuudka ka yihiin guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahadi Guuleed.

"Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee  maanta oo Sabti ah is doortay.  Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka  iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed" ayuu yiri afhayeenka Xukuumada Rooble Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Raysal wasaare Rooble uu waqti badan galiyay sidii uu isfaham u kala dhexdhigi lahaa garabyada isku haaya guddoonka guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland.

"Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dadaal iyo waqti badan galiyay sidii isfaham uu kala dhex dhigi lahaa garabyada Siyaasadda Somaliland walow ayan miro dhal noqon . Hadaba si loo hirgaliyo doorashada oo ay ugu horreysa hirgalinta doorashada aqalka sare ayuu Ra’isul Wasaaruhu kulan la qaatay xubnaha Guddigii 11-ka ee SIET Somalialnd isaga oo amray in dib la isu doorto" ayuu yiri Macalimuu.

Hambalyada uu goordhaw sida deg deg ah ugu hambalyeeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya xubnaha iska dhex doortay guddoonka guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee garabka Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa imaaneysa xili doorashadaasi ay diideen ka qeybgalkeeda xubnaha afarta ah ee garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, lama saadaalin karo sida uu xalka ku dhamaan doono iyadoo markii horeba khilaaf adag uu ka taagna doorashada guddoonka guddiga Somaliland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/7/2021 3:28 PM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wareegto caawa kasoo baxday xafiiskiisa waxaa hay’adaha Dowladda looga joojiyay in ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

8/7/2021 12:23 PM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen iska dhex doortay guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xili maanta guddiga doorashooyinka garab Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ay doorteen guddoon cusub.

8/7/2021 11:51 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ee dhawaan la doortay iyo ku xigeenadiisa Siciid Mirre Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka shirguddoonka golaha wakiilada.

8/7/2021 7:39 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Khadar Xariir Axmed ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada wakiillada gobolada waqooyi (Somaliland) u matalaya labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya.

8/7/2021 2:34 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiday talooyinka Midowga Afrika ee ku aaddan in la dhimo ciiddamada nabad-ilaalinta ee AMISOM, iyadoo ku tilmaamtay warbixinta talo-soo jeedinta mid xaqiiqda ka fog.

8/7/2021 2:02 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay Liiska argagixisadda caalamka ku dartay labo xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

8/7/2021 1:44 AM EST
Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa waali iyo layaab ku sifeeyay doorashooyinka dowlada Somaaliya gadhwadeenka ka tahay ee dadka reer Somaliland loogu qabanayo magaalada Muqdisho.