4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 7 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo diiday qorshe midowga Afrika uu ku dhimayo ciiddamada AMISOM
 

Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiday talooyinka Midowga Afrika ee ku aaddan in la dhimo ciiddamada nabad-ilaalinta ee AMISOM, iyadoo ku tilmaamtay warbixinta talo-soo jeedinta mid xaqiiqda ka fog.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay khubarada sameeyay talo-soojeedinta in aysan la tashan dowladda, isagoo sheegay in dowladdu ay Midowga Afrika ku wargelisay mowqifkeeda toddobaadkii hore.

"Warbixinta iyo xulashooyinka ma aha ikhtiyaarro wanaagsan xilligan." “Khubarada sameeyay qiimeynta si ku filan uma la tashan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,”ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdiisu ay doonayso in ciidamada midowga Afrika ay qaataan kaalmo taageero ah, iyadoo mas’uuliyadda amniga si habboon loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya. Wuxuu ka codsaday AMISOM inay siiso ciidammo guurguura oo ka barbar dagaallama ciidamada Soomaaliya.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, ayaa Soomaaliya wuxuu siinayay ciiddamo nabad-ilaalin ah tan iyo bishii Maarso 2007. Ciiddamadaas oo ka kala socda waddamada Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti, ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 19,400 oo askari.

Saraakiisha Midowga Afrika (AU), oo ka walaacsan maalgelinta, ayaa isku dayay inay hoos u dhigaan oo ay dib u qaabeeyaan xaaladda ciiddamada nabad ilaalinta, kaddib markii uu yaraaday taageerada dhaqaale ee ay ka helaan caalamka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online