4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 7 , 2021
Maraykanka oo liiska argagixisada ku daray Afhayeenka guud ee Alshabaab Cali Dheere iyo sarkaal kale
 

Sabti, Agoosto, 7, 2021 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay Liiska argagixisadda caalamka ku dartay labo xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) iyo Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo loo yaqaan Ikrima ayaa liiskan lagu daray, iyagoo qeyb ka ah shan xubnood oo ka tirsan ururada xiriir la leh Al-Qaacida.

Cali Dheere oo ahaa afhayeenka guud ee Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2009, ayaa ah xubin saameyn ku leh golaha shuurada ee kooxda Alshabaab.

In kasta oo Cali Dheere uu muddo dheer ka tirsanaa kooxda Alshabaab, haddana waa markii ugu horraysay oo uu Maraykanka ku daro liiska argagixiso.

Ikrima oo ah sarkaalka labaad ee liiskaan lagu daray, ayaa Alshabaab u qaabilsan qorsheynta howlgallada gudaha Kenya. Maraykanka ayaa muddo dheer indhaha ku hayay.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Ikrima uu yahay dhex-dhexaadiyaha u dhexeeya dhowr urur oo xiriir la leh Al-Qaacida taasina waxay si toos ah ugu lug lahayd qorsheynta weerarkii Westgate Mall ee 2013-kii ka dhacay caasimadda Kenya oo ay ku dhinteen daraasiin dad ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay shaacisay  in ay bixinayso abaalmarin lacageed oo dhan 3 milyan oo doollar qofkii keena xog horseedi doonta in lasoo xiro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online