4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Guddiyada doorashooyinka dalka iyo Xalinta Khilaafaadka
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Xalinta khilaafaadka, kuwaas oo ka wada hadlay geedi socodka doorashada.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku booriyay guddiyada dadaalka iyo waliba dardagelinta howlaha doorashooyinka, isagoona kula dardaarmay iney hergiliyaan habraacyada u degsan hanaanka doorashada.

"Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka oo aan kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta  iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale oo doorashada khuseeya. Waxaan ku ballannay in dhaqso oo bilaabo wajiga labaad ee doorashada oo ah doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashadu noqoto mid hufan oo ka maran qof jecleysi" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble

Sida uu qorshuhu ahaa maalinta berito ah ayaa lagu waday iney bilaawdaan doorashooyinka kuraasta golaha Shacabka, lakiin waxaa muuqata inuu dib u dhac ku yimid, waxaana xusid mudan inaan wali la dooraan dhamaan kuraasta Aqalka sare ee Hirshabeelle iyo gobolada Waqooyi, halka maamulada qaarna ay wali dhameystirin marka laga soo tago maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed oo dhameytirsay doorashada kuraasta Aqalka sare ee deegaanadaasi ku matalaya Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]