4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 31, 2021
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo soo bandhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab
 

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) - Sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee gobolka Galgaduud oo isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay gobolka Galgaduud.

Taliska ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in sarkaalkan uu Al-shabaab u qaabilsana dhanka Caafimaadka.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Ibraahin oo muddo dheer ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku dhiibay ciidamada Gorgor ee howlgalada ka wada deegaanada maamulka Galmudug.

Cali Ibraahim ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud  oo ka mid ah goobaha Al-shabaab ay ku xoogan yihiin taliskooda, waxaana la sheegay inuu kasoo qeyb qaatay dagaalo badan oo ka dhacay deegaanada Galmudug.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxay sidaan oo kale ay u soo bandhigeen Saraakiil ka tirsana Ururka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay xoogga dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]