4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 29, 2021
Sanbaloolshe oo si faahfaahsan uga hadlay xiisadii ka jirtay Baledweyne iyo waxa keenay
 

Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Taliyahii hore ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si faahfaahsan uga hadlay baajinta xiisadii magaalada Baledweyne ka taagneyd iyo heshiis hordhac ah oo laga gaaray arintaasi.

Sanbaloolshe oo wareysi siiyay Talefashinka Universal ayaa sheegay in wadahadalo iyo dadaalo dheeraad ah oo la sameeyay lagu baajiyay dhiig k daadan lahaa magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxuu sidoo kale sheegay Sanbaloolshe in ujeedada ay Baledweyne u tageen isaga iyo tiro dhowr ah oo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaankaasi ay aheyd sidii madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe ay u geyn lahayeen magaalada Baledweyne, balse arintaasi ay meesha ka saartay is hortaagii ay ciidamo gadoodsan ku qabsadeen xaruntii maamulka gobolka iyo xerada lamagalaay.

"Wada-hadalka waxaa lagu baajiyay in dhiig lagu daadiyo Baledweyne, Ugaaska iyo Odayaasha dhaqanka ayaa guul weyn ka gaaray in la xaliyo xiisadda, arrinta Hirshabeele waa gooni balse marka ugu horeysa waa in dadka reer Baledweyne xaliyaan dareenka ka dhex jira” ayuu yiri Cabdullaahi Sanbaloolshe oo haatan ku sugan gudaha magaalada Baledweyne.

Hadalka Sanbaloolshe ayaa imaanaya xili shalay Ugaaska Beesha Xawaadle iyo odayaasha dhaqanka ay xal ka gaareen xiisad culus oo ka taagneyd Baledweyne taaso keentay safar la qorsheenaayay in Madaxweynaha Hirshabeele si qasab ah looga dajiyo Baledweyne.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]